Faah-faahin: Turkiga oo loo oggolaaday inuu shidaal ka baaro badda Soomaaliya

Ankara (RH)-Dawladda Fadaraalka Soomaaliya ayaa waxay heshiis baaris shidaal ah la saxiixatay dawladda Turkiga kaas oo uu Turkigu shidaal ka baari doono saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya, sidaas waxaa daabacay wakaaladda wararka Tukriga ee Anadol oo soo xiganeysa wasaarka Tamarta iyo Macdanta dalka Turkiga Alparslan Bayraktar oo arrintaan ku dhaawaqay khamiistii.

Munaasabad lagu saxiixay heshiiskaan oo ay goobjoog ka ahaayeen wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya, cabdirisaaq Cumar iyo dhigiisa Turkiga, Alparslan Bayraktar ayaa waxay ka dhacday magaalada Istanbul.

Heshiiskaan ayaa waxa uu xaquuq qaas ah u siinayaa dawladda Turkiga in ay hydrocarbon oo ah – shidaal iyo gaaska dabiiciga ah ka baarto kadib ka soo saarto saddex aag oo kiiba yahay 5,000 oo kilomitir oo isku wareeg ah, sida uu sheegay wasiirka Tamarta iyo Macadanta ee dalka Turkiga Bayraktar.

Labada ka mid ah aagagga ayaa waxay 50 kilimitir loo galayaa badda, halka mid ka mid ahna uu gudaha badda loo aadayo ilaa 100 kilomitir.

Wasiirka Bayraktar ayaa sheegay in wajiga koobaad ee baaristaan ay sameyn doonaan hawlo sahminta 3D ga ah oo ay ku eegayaan aagagga loo ogolaaday.

“Waxaan u direynaa markabkeena Oruc Reis gobolkaas dhamaad September ilaa bilowga October,” ayuu raaciyay hadalkiisa.

Waxa kale oo uu sheegay in markabka Turkigu uu qaadi doono ‘sahmin muhiim ah oo qaadan doonta ilaa dhawr bilood,’ taas oo hugaamin doonta baaritaanka, qodista iyo soo saarista hadii ay suuragasho.

Saxiixa heshiiskaan ayaa noqonaya ‘talaabo taariikhi ah’ oo dhexmarta labada dal, sidaas waxaa yiri Bayraktar oo sheegay in shaqaale gaaraya ilaa 50 ruux ay soo raaci doonaan markabka Oruc Reis, waxaan wehlin doona markabkaas shan Markab oo kale oo caawimaad ahaan ula socon doona.

Wasiirka Batroolka iyo Macdanta Soomaaliya Cabdirisaaq Cumar waxa uu sheegfay in heshiiskaani fa’iido u yahay labada dalba.

“Waxaan ku rajo waynahay in marka soo saaristu bilaabato ay faa’iido u noqon doonto labada waddanba. Sidoo kale waxay caawin doontaa xiriirka ka dhaxeeya labada dal,” ayuu yiri wasiir Cabdirisaaq.

Cabdirisaaq ayaa intaas sii raaciyay in ka dib hawlgalka sahminta ay xigi doonto ‘midka qodista oo bilaaban doona bilowga sanadka soo aadan’.

Turkiga oo loo oggolaaday Turkigu inuu shidaal ka baaro saddex aag oo ku yaalla gudaha biyaha Soomaaliya,

Dhanka kale sida ay qortay wakaaladda wararka ee Reuters, dawladda Turkiga ayaa waxay diyaarisay ciidamo Badeeda oo ay usoo diri doonto biyaha Soomaaliya, kuwaas daba jooga heshiiska shidaal ee ay yeesheen labada dal.

Madaxweynaha dalka Turkiga Rajab Tayyip Erdogan ayaa baarlamaanka dalkiisa geeyay maalinkii jimcaha mooshin uu uga codsanayay in ciidamada Milatariga ee Turkiga loo daabulo Soomaaliya, waxaana ka mid ah meelaha la geynayo ciidamadaas biyaha Soomaaliya, sida ay daabacday wakaaladda wararka Turkiga ee Anadolu.

Maalin uu ka dib markii Khamiistii ay heshiis baaritaan shidaal ay wada saxiixdeen dawladaha Soomaaliya iyo Turkiga ayuu talaabadaan qaaday madaxweyne Erdogan.

Sanadkaan bilowgiisa ayay ahayd markii Soomaaliya iyo Turkigu ay wada saxiixden heshiis difaac iyo iskaashi dhaqaale xilligaas oo wasiirka difaaca Soomaaliya booqasho ku joogay dalka Turkiga.

Heshiiskaas oo ay ansixiyeen baarlamaanka Soomaaliya bishii Febraayo ee sanadkaan, ayay sheegeen xildhibaanada qaar in aan aysan arag waxa ku qornaa, balse ay aamineen wixii loo sheegay oo kaliya.

Madaxweynaha Soomaaliya Xassan Sheekh, ayaa xilligaas sheegay in dowladda Turkigu "ay ilaalin doonto badda iyo kheyaadka Soomaaliya, oo ay ka mid yihiin kalluumaysiga sharci darrada ah, sunta lagu shubo xeebaha dalka iyo ka hortagga falalka burcad badeedda".

Dawladaha Turkiga iyo Soomaaliya ayaa leh xiriir dhaw sanadihii ugu dambeeyay. Waxaana xusid mudan in dawladda Turkiga ay ka caawisay Soomaaliya arimo ay ka mid yihiin iskuulo ay dhistay, xarumo caafimaad oo isbitaalo ugu horeeyaan, wadooyin iyo xitaa arday Soomaaliyeed o la siiyay fursado waxbarasho oo ay u aadeen Turkiga.

Xiriirka Turkiga iyo Soomaaliya ayaa xooggiisa bilowday sanadkii 2011 kii, xilligaas oo ay abaaro daran ka jireen Soomaaliya, ayaa waxaa dalka booqasho ku yimid Erdogan oo xilligaas ahaa ra’iisul wasaaraha Turkiga.

Xigasho: BBC SOMALI

Category