SAWIRKA MAANTA

Nairobi (RH)-Sawirkan ayaa muujinaya dood ka dhex socota baraha bulshada Soomaalida, taasoo ku saabsan wafdi uu hoggaaminayo wasiirka haweenka Soomaaliya Bashiir Maxamed Jaamac (Bashiir Goobe), kuwaasoo ka qaybgalaya shirweyne ka dhacaya magaalada New York ee dalka Maraykanka.

Dad aad u fara badan ayaa ka aragti dhiibtey shirka wasiirka uu ka qeybgalayo oo looga hadlayo arrimaha haweenka, iyo waxa geeyay wasiirka iyo la taliye la socda oo la yiraahdo Cabdullaahi Goodax Barre.

Sawirkan wasiirkii haweenka ee Soomaaliya ee 1968-dii uga qeybgashay shirkan oo kale oo ka dhacay New York oo haweeney ahayd iyo wasiirka maanta Soomaaliya ku matalaya oo nin ah.

Waa markii ugu horreysay oo wasiirka haweenka loo dhiibo qof rag ah, waxaana horrey xilkan u qaban jirtay haween.

Raysal wasaaraha Soomaaliya ayaa xilkan dhawaan u magacaabay Bashiir Goobe oo horrey u soo noqday taliyaha booliska Soomaaliya.

Nayrobi-Kenya

Category