Sawirro: Dharka Kacbada oo la bedelay saaka

Makkah(RH)-Sida ay ku warrantey wakaaladda rasmiga ee wararka u faafisa dowladda Saucuudiga SPA, waxaa maanta oo Axad ah la baddelay dharkii saarkaa kacbabda barakeysan.

Iyadoo maanta ay ku beegan tahay curashada sanadka cusub ee hirjiga 1446, waxaa dowladda Sacuudiga ay baddashay dharkii saarnaa kacbadaa.

Hay’adda guud ee daryeelka arrimaha Masjidka Xaramka iyo Masjidka Nabiga ayaa maanta ku qurxiyey Kacbada barakeysan jaldi cusub oo “Kiswa” ah sida uu dhigayo dhaqmada kabcada oo sanadkii hal mar la baddelo marada ku dadan kacbada. 

Dhaqankaas ayaa laga dhaxlay Nebi Muxammed oo Xajkiisii ugu dambeeyay ku daday kacbada dhar cad oo leh jiidimo cas oo Yemen laga keenay. Laakiin saddexdii khaliif ee dhaxlay Nebiga ayaa ku daday kacbada maras cas xilligoodii.

Howshan oo loo yaqaanno Kiswa, ayaa waxaa qabta 130 qof oo isugu jira farsamoyaqaanno iyo kuwa dharka sameeya. Waxaa lagu beegay maalinka koowaad ee Muxaram iyo sanadka Islaamka 1446.

Kooxda baddaleysa dharka kacbacda ayaa markii horre waxa ay baddeleen Kiswadii hore waxaana ay saareen mid cusub, kadibna waxa ay ku hagaajiyeen geesaha iyo saqafka sare ee Kacbada.

Dharka cusub ee lagu hagoogay kacbada ayaa lagu sheegay culeyskiisa 1,350 Kg, dhererkiisuna yahay 14 mitir, wuxuu ka kooban yahay afar dhinac iyo daah albaab. Dhinac kasta oo ka mid ah Kacbada barakeysan ayaa si gaar ah loo kor saaray xagga sare ee Kacbada si loogu diyaar garoobo in lagu daah furo xijaabkii hore.

Dharka Kacbada oo la bedelay saaka

Dharka cusub ee lagu hagoogay kacbada ayaa ka sameysan 1,000 kiilogaram oo xariir aan waxba lagu darin, 120 kiilogaraam oo xargaha dahabka ah, iyo 100 kiilogaraam oo xargaha qalinka ah. 

Marada cusub ayaa loo sameeyay si taxadar leh iyada oo la adeegsanayo mashiinka ugu weyn dunida ee dharka tola. Waxay ka kooban tahay dhar ka sameysan xariir madow oo gacanta lagu la tolay dahab iyo aayado ka mid ah Qur'aanka. Koox khuburo ah oo xirfad sare leh ayaa kormeerayay hanaanka dharka looga bedelay kacbada, oo ah howl ka kooban 56 qeyb oo dahab ku xardhan yahay, taas oo qeyb walba oo ka mid ah howsheedu ay qaadatay inta u dhexeysa 60-120 maalin si loo dhammeystiro.

Koox khaas ah ayaa kormeeray dhammaan habka lagu beddelayo Kiswa, kaas oo ka kooban 56 xabbo oo dahab ah oo mid walbaa qaadanayso 60-120 maalmood in la dhammaystiro.

Dhanka suunka Kiswa ee lagu xirayo kacbada, wuxuu ka kooban yahay 16 xabbo, oo ay la socdaan toddobo xabbo oo ka hooseeya suunka.

Dowladda Sacuudiga ayaa howsha dhar baddelida iyo habeenta kacdan waxa ay u xil saartay  ku dhawaad ​​200 oo farsamayaqaano iyo maamulayaal ah, kuwaas oo dhamaantood ah muwaadiniin tababaran, aqoon iyo xirfado gaar ahna u leh arrimahan, sida SPA ay werisay.

Dharka Kacbada oo la bedelay saakaDharka Kacbada oo la bedelay saakaDharka Kacbada oo la bedelay saaka

Radio Hormuud

Studio 4

Nairobi-Kenya
 

Category