Sawirro: Halkan ka ogow Booqashada Raysal wasaaraha Soomaaliya uu ku joogo Ciraaq

Baghdad (RH)-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya, Xamsa Cabdi Barre oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimadda Ciraaq ayaa maanta oo Sabti ah kulan la qaatay dhiggiisa dalka Ciraaq, Maxamed Shiyaac Al-Suudaani.

Sida lagu sheegay qoraal ka soo baxay xafiiska ra'iisal wasaaraha Soomaaliya, ra'iisal wasaaraha iyo wafdigiisa ayaaa soo dhaweyn heer sare ah loogu sameeyay Qarsiga Xukuumadda ee Baqdaad.

Kadibna waxaa labada Ra’iisul Wasaare kulankooda waxa ay kaga wada hadleen xoojinta xiriirka walaaltinimo ee soo jireenka ee ka dhaxeeya labada dal ee Soomaaliya iyo Ciraaq iyo sidii loo adkeyn lahaa iskaashiga dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo guud ahaan danaha ay wadaagaan labada dal.


Wafdiga Ra’iisul Wasaaraha waxaa ka mid ah Wasiirrada Arrimaha Dibedda iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane Axmed Macallin Fiqi, Maaliyadda, Mudane Biixi Iimaan Cige, Deegaanka iyo Isbeddelka Cimillada, Marwo Khadiija Maxamed Al—Makhzoumi, iyo Taliyaha Hey’adda Sirdoonka iyo Nabadsugidda Qaranka, Mudane Cabdullaahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Waa markii ugu horreysay oo ra'iisal wasaaraha Soomaaliya uu tego dalka Ciraaq.

Raysal wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan CiraaqRaysal wasaaraha Soomaaliya oo ku sugan Ciraaq

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi Kenya

Category