Waa sidee xaaladda Luuq oo dagaallo ay ka dhacayn?

Luuq (RH)-Ugu yaraan 10 qof ayaa ku dhintey tiro intaas ka badan waa ay ku dhaawcmeen dagaal mar kale ka dhacay degmada Luuq ee gobolka Gedo.

Dad goobjoogayaal ayaa sheegay in dagaalka uu u dhexeeyo maleeshiyo wada degan degmada kuwaasoo muddo ku dagaallamaya degmada Luuq.

Warar kale ayaa sheegaya in magaalada ay ka dhacday bililiqo iyo in lagubay tuulo ku yaalla degmada, in kastoo aan la heynin faah-faahin rasmi ah.

Dagaalka Luuq ayaa ku soo aadaya iyadoo Sabtidii uu ka fumay magaalada Kismaayo shir lagu heshiisiinayo odayaal ka soo kala jeeda dhincyada dagaalamaya.

Xaaladda magaalada Luuq ayaa maanta degan, waxaana laga casbi qaba in dhinacyada ay mar kale dagaallamaan.

Dhinaca kale, QM ayaa sheegtay in 30,000 oo qof ay ka barakaceyn degmada Luuq, waxaana ay gaareen deeganno kale oo ku yaalla gobolka Gedo.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category