Magaalo Soomaaliyeed oo guurka qiimihiisa ka dhigtey 10 dollar

Raaso (RH)-Wararka ka imaanaya magaalada Raaso ee gobolka Afdheer ee dowlad deeganka Soomaalida, ayaa sheegaya in la go'aamiyay qiimaha guurka.

Waxaana soo baxaya warar sheegaya in qiimaha Guurka laga dhigay1000 Bir ah oo u dhiganta $10 (Toban Dollar).

Sidoo kale waxa meesha laga saaray yaradkii la bixin jiray, halka xoolihii la geyn jiray arooska kadibna laga dhigay Laba Neef oo kaliya.

Arrintan ayaa lagu macneeyay in guurka la fududeeyo lagana dhigo wax aan sidaas qaali u ahayn, maadama dhulka Soomaalida uu guurka qaali yahay, taasoo keentay in rag badan ay awoodi waayeen in ay aqal dhisaan.

Dad badan ayaa soo dhaweeyay tallaabada laga sameeyay Raaso, waxaana dadka ay sheegeen in loo baahan yahay in lagu daydo magaaladan.

Radio Hormuud

Studio 3

Nayrobi-Kenya

Category