Hargeysa (RH)-Waxaa saacado ay ka harsan yihiin xilligii ay billaaban lahaayeen doorashooyinka isku sitkan ee Somaliland oo loo asteeyay 13-ka bisha November oo berri ku beegan.
Waxaa soo dhammaaday ololihii doorashada oo soo billowday 19kii October kuna ekaa 10-kii bishan November oo ku beegneed maalintii Axadda ee la soo dhaafay.
Waxa ololaha ka qeybgalay saddexda xisbi iyo 7 urur siyaasadeed oo ay ku jiraan xisbiyada.
10kan xisbi ayaa u tartami doona doorashada axsaabta.
Guud ahaan waxaa magaalooyinka Somaliland laga dareemayaa diyaargow xooggan oo ku aadan sidii ay uga qeybgali lahaayeen doorashada.
Dadka ayaa isku diyaarinaya in ay tagaan goobaha codbixinta doorashada.
Guddiga doorashada ayaa iyana billaabay in howlwadeenadooda u diraan goobaha codbixinta ay ka dhaceyso.
Si guud waxaa laga dareemayaa magaalooyinka waaweyn ee Somaliland sida Hargeysa, Burco iyo Boorame, jawi doorasho, waxaana dadka badi ay hadal hayaan doorashada berri dhaceysa.
Dhinaca kale, waxaa shaley Hargeysa ka ambabaxay goobjoogayaasha caalamiga kuwaas oo u kala baxay lixda gobol ee dalka.
Radio Hormuud
Studio 3
Hargeysa-Somaliland