RH: Heshiiskan oo ku kacaya maalgelin dhan 6.8 bilyan DDK oo loogu talagalay mushahar kordhinta kooxo xirfadeed kala duwan oo ka tirsan adeegga bulshada. Korodhkan mushaharka waxa uu ku soo beegmayaa kor u kaca qorshaysan ee ka imanaya wadahadalada heshiiska soo socda.
Kooxaha diiradda lagu saarayo korodhkani mushaharka waa kooxo xirfadeed aad dalku ugu baahanyahay shaqaale la'aani ku dhacdey, waxaa kamid ah kalkaaliyeyaasha caafimaadka, caawiyeyaasha waayeelka iyo caafimaadka, barbaariyayaasha, iyo waardiyaasha xabsiyada.