31 Masuul Oo Hanti-dhawrka Somaliland Ku Soo Eedeeyay Musuq-maasuq

Hargeysa(RH):-Madaxweynaha Somaliland Muuse Biixi Cabdi, ayaa sheegay in 31 masuul oo ka tirsan Xukuumadiisa lagu soo eedeeyay lunsi hantiyeed,  isla markaana baadhitaan lagu waddo 72 hay’addood oo Kala duwan.

 

Madaxwaynaha Somaliland ayaa sheegay in dib u habayn balaadhan lagu sameeyay nidaamka uu ku shaqeeyo Hanti-dhawrka guud ee qaranka Somaliland,waxaanu sheegay in meel adag la iska taagay xatooyada xoolaha umadda.Waxaanu yidhi Madaxwaynaha Somaliland“Waxa meel adag la iska taagay xatooyada xoolaha umadda waxaana baadhis xisaabeed iyo baafhi maamul lagu sameeyay 72 hay’adood oo dawli ah,waxana la soo eedeeyay 31 masuul dawladeed ah oo dawcad sugayaal ah.

 

Waxa qasnada dawlada lagu soo celiyay lacag dhan shan Billion oo Somaliland Shilling ah oo laga lunsaday qaranka.

Waxa la adkeeyay ku dhaqanka shuruucda baadhista danbiuada laga galo maaliyada iyo maamulka”

Category