Ma runbaa in ganacsade Carbeed loo xiray dhoofinta xoolaha Soomaaliya?

Muqdisho (RH)-Gobollada Soomaaliya waxaa ka taagan buuq iyo diidmo ku aadan dhoofinta xoolaha Soomaaliya ee la geeyo dalka Sacuudiga, kadib markii la sheegay dowladda Soomaaliya in ay u xirtay dhoofinta xoolaha ganacsade ajnebi ah.

Gobollada Soomaaliya waxaa ka taagan buuq iyo diidmo ku aadan dhoofinta xoolaha Soomaaliya ee la geeyo dalka Sacuudiga.

In ku dhow 100 xildhibaan oo ka tirsan labada golle ee baarlamaanka ayaa ka hor yimid tallaabada dowladda Soomaaliya ay qaadday.

Xildhibaananda ayaa warqad ay soo saareen waxa ay ku sheegeen in xoolaha Soomaaliya loo xiray sannadkan ganacsade u dhashay dalka Sacuudiga, taasna ay dhib wayn ku tahay dadka Soomaaliyeed oo il dhaqaale u ahaa dhoofinta xoolaha.

Dowladda Soomaaliya ayaa la sheegay in shati gaar ah u siisay ganacsade Carbeed in uu xoolaha ka dhoofiyo dekadaha Boosaaso iyo Berbera.

Xildhibaannada ayaa dowladda ugu yeeray in ay ka laabato tallaabada ay qaadatay ayna dib loogu oggolaado in dadka Soomaaliyeed ay iyaga u dhoofiyaan xoolaha dalka Sacuudiga.

Xildhibaananda qoraalka soo saaray ayaa sheegay in fadhiyada baarlamaanka oo hadda xiran marka ay dib u furmaan in ay horkeeni doonaan wasaaradaha Xoolaha iyo dekedaha si ay uga jawaabaan eedda loo soo jeediyay.

Dowladda Soomaaliya illaa hadda kama hadlin warka ku saabsan in dhoofinta xoolaha ay u xirtay ganacsade Ajnebi ah, waxaana arrintan haddii ay xaqiiqo noqoto ay keeni kartaa in uu yaraado tartanka suuqa xoolaha Soomaalida ee dalka Sacuudiga ayna keeni karto qiimo hooseeye oo lagu iibsado xoolaha Soomaaliya.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia 

Category