Safarada Xasan Sheekh uu dibadda ku aaday saddexdii sanno ee xilka uu hayay

Nairobi (RH)-Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa saddex sano gudaheed ku baxay 110 safar dibadeed, taasoo u dhiganta in qiyaastii 15 bilood uu ka maqnaa dalka – nus ka mid ah muddadii xilkiisa.

Safarradan oo qaarkood socdeen illaa toddoba cisho, qaar kalena afartan saacadood ama wax ka yar, ayaa haddana haddii la isku celceliyo, safar kasta lagu qiyaaso afar maalmood oo ay ku jiraan maalmaha duulimaadka, waxay dhigan tahay 440 maalmood – taasoo u dhiganta 15 bilood oo nolosha Madaxweynaha ka baxday safarro dibadeed ah.

Tirada safarrada dalka uu ugu tagay madaxweynaha ayaa kala ah:

1. Uganda – 13 jeer

2. Djibouti – 11 jeer

3. Kenya – 10 jeer

4. Isu-tagga Imaaraadka Carabta (UAE) – 9 jeer

5. Eritrea – 8 jeer

6. Tanzania – 8 jeer

7. Ethiopia – 7 jeer

8. Turkey – 7 jeer

9. Qatar – 5 jeer

10. Masar (Egypt) – 5 jeer

11. Sacuudi Carabiya – 4 jeer

12. Maraykanka (USA) – 4 jeer

13. Italy – 3 jeer

14. UK – 2 jeer

15. Switzerland – 2 jeer

16. Burundi – 2 jeer

17. Belgium, Azerbaijan, Algeria, Kuwait, Norway, Rwanda, Germany, Sudan, Libya, Iraq, China – min 1 jeer

Dad badan ayaa su’aalo iska weydiinaya waxtarka dhabta ah ee safarradan faraha badan. Inkastoo diblomaasiyaddu muhiim u tahay dowladnimada, haddana shacabka Soomaaliyeed waxay la daalaa dhacayaan amni xumo, dhaqaale xumo iyo adeegyo dowladeed oo liita.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa wajahaya dhaleeceyn xooggan oo ku aaddan sida uu u maareeyay xilkiisa, isagoo waqtigiisa badankiis ku bixinaya dalal shisheeye, halkii uu uga warhayi lahaa xaaladda gudaha dalka oo weli wajahaysa caqabado badan.

Lacagaha ku baxaya safarradan – diyaarado khaas ah, hoteello raaxo leh, iyo wafdi ballaaran – waxa lagu qiyaasi karaa malaayiin doollar oo dowladda Soomaaliyeed ay ku baabi’isay meelo aan lagu liibaanayn, xilli shacabka ay la ildaran yihiin cunto la’aan, shaqo la’aan iyo nolol ciriiri ah.

Xigasho: Cabdijaliil Cismaan

Category