![](/sites/default/files/styles/medium/public/2019-09/e.png?itok=RZuDfuDL)
Barnaamijka Galka Baarista ee VOA, waxa uu toddobaadkan ku saabsan yahay xogta Basiira Cabdi Maxamed oo ah gabadhii lagu eedeeyey inay fulisay qaraxii 24-kii July ka dhacay xarunta maamulka gobolka Banaadir.
Waxa uu barnaamijka dib u raacayaa sooyaalka gabadhaas oo magaceeda dhabta ah uu yahay Maryam Cabdiraxmaan Muxumad Abiikar, sida ay shaqada uga heshay maamulka gobolka Banaadir iyo waxyaabaha la xiriirinaya kooxda Al-Shabaab.
Waxaa soo jeedinaya Haaruun Macruuf.