Somaliland oo ka hadashay dagaalka maalintii saddexaad ka socda Laas Caanood

Laasacaanood (RH)-Wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa xaqiijisay wararka ku saabsan in dagaalka Laas Caanood uu galay maalintii saddexaad.

War qoraal ah oo lasoo dhigay bogga Facebook ee wasaaraddan ayaa lagu sheegay in "kooxo xagjir ah ay saaka weerar ku qaadeen ciidamada Somaliland oo ku sugan fariisimahooda."

Ma jiro wax war ah oo kasoo baxay dhinaca kale ee ku lugta leh dagaalka. Sidoo kale faahfaahin buuxda lagama hayo khasaraha jira.

Dhinaca kale, 

Magaalada Laascaanood waxaa maalintii saddexaad ka socdaa dagaal la isku adeegsanayo hubka noocyadiisa kala duwan.

Dadka qaar ee ku sugan magaalada ayaa sheegay in waxyeello ay ka dhalatay rasaasta wiiftada ah ee ka imaaneyso goobaha uu dagaalka ka socdo.

Xigasho: BBC

Category