Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Laascaanood iyo xaaladda magaalada

Laasacaanood (RH)-Rasaas goos goos ah ayaa laga maqlayaa magaalada Laascaanood, halkaas oo maalmihii la soo dhaafay ay si xooggan ugu dagaalamayeen maleeshiyada deegaanka oo dhinac ah iyo ciidanka Jamhuuriyadda goonni isutaageeda ku dhawaaqday ee Somailland.

Dowladda Somaliland ayaa sheegtay inay la dagaallamayso wax ay ugu yeertay argagixiso, hasayeeshee ciidamada deegaanka ayaa dhankooda sheegaya inay doonayaan inay dhulkooda ka saaraan ciidammo ay sheegeen inay ku soo duuleen.

Lama oga tirada rasmiga ah ee ku dhimatay dagaalka afarta maalin ka socda halkaas.

Xigasho: BBC

Category