Radio Hormuud Studio 2 Hargeysa/Somaliland

Berbera(RH):-Maareeyaha Kaydka Haamaha Shiidaalka ee Magaaladda Berbera Xasan Ibraahin Embasi ayaa sheegay inuu hoos u dhici doono maalmaha soo socda qiimaha Shiidaalku kadib markii uu duleedka Magaaladda Berbera ku soo xidhay Markab weyn oo sida ilaa 14 Kun oo tan oo shiidaalka Naafatada ah.

 Maareeyaha Kaydka Hamaaha shiidaalka oo uu weheliyo Maareeyaha Dekedaha somaliland ayaa hadalkan ka sheegay kadib markii uu maanta booqday Markabkaas .

Hargeysa(RH):-Wafti Wasirro ah oo uu hoggaaminayo Wasiirka Maaliyadda Dalka Itoobiya, Axmed Shide ayaa  soo gaadhay magaalada Hargeysa ee caasimadda Jamhuuriyadda Somaliland.

Waftiga ayaa waxaa Madaarka Caalamiga ah ee cigaal kusoo dhaweeyey xubno ka mid ah golaha wasiiradda waxana loo sii gudbiyey Qasriga Madaxtooyada Somaliland, iyaga oo kulamo kala duwan la qaadan doona madaxda sarre ee Xukuumadda, gaar ahaan Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md, Muuse Biixi Cabdi .

Hargeysa(RH)Waxaa Maanta guud ahaan Deegaanada Somaliland Si rasmi ah uga bilaamay imtixaankii shahaadiga ahaa  Ee Fasalada 12aad Ee Dugsiyada Sare ee Somaliland Waxaana Imtixaankaasi  Saaka u Fadhiistey 11,000  oo arday .

Waxaanu ka bilaabmay Imtixaanku Laba boqol oo goobood oo ah gobolada Somaliland oo dhan  isla markaasina waxaa uu Socon-doonaa maanta oo kaliya  waxaana laga qaadayaa Ardayda 10 Maaddo Xanuunka COVID’19 awgii.

Hargeysa(RH):-Wasaaradda Horumarinta Caafimaadka  Somaliland ayaa maanta shaacisay in 7 qof oo cusub laga helay xannuunka Covid-19, 24-kii saacdood ee u danbeeyay.  

Dad tiradoodu tahay 102 qof ayaa baadhitaanka lagu sameeyay 24-kii saacadood ee u daneeyay, halka cudurka laga helay 7-qof, kuwaas oo kooban  6 rag ah iyo qof dumar ah, waxay afar qof oo dadkaas ka mid ahi ku nool yihiin magaaladda Hargeysa, halka 3-sadexda kalena ay ku noolyihiin Magaaladda Boorama.

Hargeysa(RH):-Xukuumada Somaliland ayaa maanta  Dalka Jamhuuriyada Jabuuti Uga Mahadnaqday Gogoshii  ay u Fidisay  shirkii Wada-hadlada Somaliland iyo Soomaliya  ee Maalintii shalay furmay Waddanka Jabuuti.

Sidaasina waxaa lagu sheegay War-Saxaafadeed ka soo Baxay Wasaarada Arimaha Dibada iyo iskaashiga Caalamiga Ah ee Somaliland Waxaanu u dhignaa sidan:-