Abwaan Sugaan Cabdulle oo ku dhintey qarax ka dhacay Muqdisho

Nairobi (RH)-Abwaan Sugaal Cabdulle Cumar oo ka mid ahaa abwaanada Soomaaliyeed, ayaa ku dhintey qarax ka dhacay magaalada Muqdisho.

Goob-joogayaal ayaa sheegay abwaanku inuu ka mid ahaa illaa lix qof oo ay ku jiraan saraakiil, askar iyo dad kale oo shacab ah oo joogay maqaayad ku taalla agagaarka dugsiga tababarka booliska Soomaaliya oo ku yaalla degmada Xamarjajab.

Abwaan Sugaan Cabdulle ayaa ka tirsanaa kooxda Heegan ee ciidanka, waxaana uu qaadday gabayo badan iyo heeso.

Geeridiisa waxaa ka tacsiyeeyay madaxda dowladda, iyo abwaanada Soomaaliyeed.

Radio Hormuud

Studio 3

Mogadishu Somalia

Category