
RH: Haweeney 23-jir ah oo Soomaali ah oo ku nool Denmark ayaa maxkamad la tiigsatay maamulka degmada Aarhus iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda, kadib markii ay sheegtay in si khasab ah loogu geeyay xarun dhaqan celis oo ku taalla Soomaaliya iyadoo 16 jir ah.
Amal – oo aan dooneyn in magaceeda oo buuxa la shaaciyo – waxay ku eedeysay maamulka degmada Aarhus iyo Wasaaradda Arrimaha Dibadda inay dayaceen mas’uuliyadoodii, taasoo sababtay in muddo 16 bilood ah lagu hayo xarumo lagu tilmaamay kuwo ay ka dhacaan jirdil, xabsi aan sharci ahayn iyo tacaddi nafeed.
Waxay doonaysaa 400,000 kroner Danish ah (taasoo u dhiganta qiyaastii 57,000 oo dollar Mareykan ah) oo magdhaw ah. Inta badan lacagtaas waxay ku wajahan tahay degmada Aarhus.
Sida ay wax u dhaceen:
-
2017: Warbixinno ayaa la siiyay maamulka degmada oo muujinayay khatar ku saabsan in Amal loo diri doono xarun dhaqan celis oo ku taalla Soomaaliya.
-
Xagaagii 2018: Amal oo markaas 16 jir ahayd ayaa la geeyay Soomaaliya si ay "fasax" ula qaadato qoyskeeda, balse waxaa si khasab ah loogu xirey laba xarun dhaqan celis.
-
Waxaa la sheegay in halkaas lagu indoktrineeyay, lagu garaacay, laguna takooray si naxariis darro ah.
-
August 2018 iyo February 2019: Degmada iyo Wasaaradda ayaa la socday shakiga ah in Amal lagu hayo xarun dhaqan celis, balse wax talaabo ah ma aysan qaadin.
-
November 2019: Amal ayaa iska baxsatay iyadoo ku dhuumanaysa magaalada Muqdisho.
-
January 2020: Markii ay soo gaartay safaaradda Denmark ee Nairobi, ayay u suuragashay in loo duuliyo Denmark iyadoo ay la socdeen diblomaasiyiin.
Maxay dacwadu ku saabsan tahay?
Amal waxay sheegtay in maamulka degmada iyo wasaaraddu ay ku guul darreysteen iney ka hortagaan safarkeeda, iyo sidoo kale iney ku adkaatay iney hesho caawimaad intii ay dhibaatadu socotay. Dacwadeeda waxaa taageeraya hay'adaha Justitia iyo Advokatsamfundet, kuwaasoo ku tilmaamay kiiskan mid mabaadi'i ah (principiel), oo muhiim u ah xuquuqda muwaadiniinta.
"Dowladdu mas'uuliyad ayay ka saaran tahay iney difaacdo muwaadiniinteeda marka ay dhibaato noocan oo kale ah wajahaan," ayuu yiri Andrew Hjuler Crichton oo ah xoghayaha guud ee ururka qareennada.
Xaaladda maanta:
Amal waxay hadda sii wadataa waxbarashadeeda heer jaamacadeed, mana la xiriirto waalidiinteed.
Ma jirto dacwad ciqaabeed oo loo haysto waalidiinteeda sababtoo ah markii ay dib ugu soo laabatay Denmark, Amal ma rabin in arrinta loo gudbiyo booliska.
Maxkamadda ayaa bilaabatay Talaadadii (6 May 2025) magaalada Aarhus, waxaana weli la sugayaa go’aanka rasmiga ah ee maxkamadda.
Radio Hormuud wararka Soomaalida iyo qurbaha.