
Hamburg (RH)-Ku dhawaad 18 qof ayaa ku dhaawacantey weerar mindi loo adeegsaday oo ka dhacay xarunta tareenada ee magaalada Hamburg fiidnimadii Jimcaha, iyadoo aan la ogeyn sababta ka dambeysay weerarka.
Wargeyska Bild ee ka soo baxa Jarmalka ayaa qoray Sabtida maanta ah in dadka dhaawacmay ay ku jiraan afar qof oo xaaladooda ay liidato.
Weerarka ayaa la sheegay in ay gaystay haweeney39 jir ah, oo markii dambe ay qabteen booliska iyadoo wax iska caabin ah sameynin.
Illaa hadda ma cadda sababta weerarka uu dhacay, waxaana socda baaritaan ku saabsan waxa haweeneyda ku kalifay weerarka.
Saxaafadda Jarmalka ayaa sidoo kale baahiyay war ku saabsan in qofka weerarka gaystay ay haysatay xanuun nafsi ah, maadaama aysan hadda ka muuqanin arrimo siyaasadeed.
Muuqaal laga soo duubay goobta weerarka ka dhacay ayaa muujinayay ciidamada booliska oo xiray qaar ka mid ah barxadaha saldhigga iyo dadka dhaawaca ah oo lagu wareejinayo gawaarida gurmadka degdega ah.
Dhankiisa, hogaamiyaha Jarmalka, Friedrich Merz, ayaa ku tilmaamay dhacdadan war naxdin leh, kadib qoraal uu soo dhigay bartiisa X.
Merz ayaa sidoo kale muujiyay sida uu uga naxay markii uu la hadlay duqa magaalada Hamburg ka dib weerarka.
Dalka Jarmalka ayaa dhowr weerar oo kuwan la mid ah ka dhacay bilihii la soo dhaafay.
Haweeneyda weerarka fulisay oo u dhalatay dalka Jarmalka ayaa la filayaa maanta oo Sabti ah in la soo taago maxkamad.
Radio Hormuud
Studio 3
Malmo-Sweden