Garoonka diyaaradaha Istanbul oo loo aqoonsaday garoonka ugu wanaagsan Yurub

Istanbul (RH)-Garoonkan oo sannadkii ay tegaan in ka badan 40 milyan oo rakaab ah, ayaa loo aqoonsaday garoonka ugu wanaagsan Yurub, waxaa arrintan shaaciyay Golaha Garoomada Caalamiga ah (ACI) Yurub.

Sannadkii horre waxaa abaalmarintan la siiyay garoonka Rome ee Fiumicino, sida lagu sheegay bayaan ka soo baxay xarunta hawada sare Jimcihii.

Maamulaha garoonka Istanbul Selahattin Bilgen, ayaa sheegay in marwalba ay mudnaanta siin doonaan dadka garoonka yimaada ee la socda diyaaradaha kala duwan ee adduunka u kala goosha.

Sannadkii hore, gegida dayuuradaha ee Istanbul waxa u adeegtay in ka badan 76 milyan oo rakaab ah, taas oo muujinaysa koror dhan 18 boqolkiiba marka lo eego sannad ka hor.

Dhinaca kale, garoonka diyaaradaha Oslo ee dalka Norway ayaa loo magacaabay garoonka diyaaradaha ugu wanaagsan Yurub taas oo ay ugu wacan tahay hawl-qabad xooggan iyo waxqabadkiisa wakhtiga.

Waxaa garoonka uu qaabilaa 25 illaa iyo 40 milyan oo rakaab ah.

Radio Hormuud

Studio 3

Nairobi-Kenya

Category