Kobenhagen: Sagaal nin ayaa saaka loo qabqabtey kiis lagu sheegay mid daran.

RH: Sagaal qof ayaa Isniinta maanta ah  lagu qabtay, waxaana lagu soo oogay in ay qorsheeyeen dilal dhowr ah oo ka dhan ah xubno ka tirsan koox dagaal dhexmarey  bilowgii 2021 kii.

warkan waxaa saaka shaaca  ka qaaday Waaxda Dambiyada Gaarka ah ee Qaranka Denmark (NSK)  oo war-saxaafadeed ku saartey.

Sagaalka nin ee la qabta ayaa ah rag da'doodu u dhaxeyso 24 ilaa 55 sano waxaana  lagu qabtay »iskaashi dhow oo lala sameeyay booliska Degmada Galbeedka Kobenhagen iyo caawinta dhammaan booliska ku sugan Sjælland«, sida lagu sheegay war-saxaafadeedka.

»Maanta waxaan soo qabannay sagaal qof oo ka tirsan kooxda dambiilayaasha ee gobolka weyn ee Kobenhagen. Waa arrin aad u culus oo ku saabsan isku-dayo dilal la xiriira kooxaha burcad ah iyo haysasho hub halis ah, taas oo ay fuliyeen koox booliska u arko inay si gaar ah u daran yihiin,« ayuu yiri taliyaha NSK, Henrik Andersen.

Wuxuu intaas ku daray in qabashada ay ku timid »baaritaan dheer oo adag«.

Sagaalkan nin ayaa lagu soo oogay in ay qorsheeyeen dilal dhowr ah oo ka dhan ah xubnaha koox kale oo colaadi dhexmartay  bilowgii 2021 iyo isku daygoodii inay dilaan qof ka tirsan kooxdan, iyadoo labada kooxood ay ku jireen dagaal toos ah.

Sidoo kale, waxaa lagu soo oogay inay haysteen hub badan.

NSK waxay ku sheegtay war-saxaafadeedka in kiiskan uu ka dhashay dil loo gaystay xubin ka tirsan kooxda kale, kaas oo dhacay Janaayo 2021, waxaana dilkaas geystay kooxda hadda la qabtay.

Tani waxay keentay—sida NSK sheegtay—taxane isku-dayo dilal iyo weerarro is-daba-joog ah oo labada dhinac ah.

Dayrtii sannadkii hore, NSK waxay sameysay howlgal dardar galin ah ah oo ay ku qabatay sagaal xubnood oo ka tirsan kooxda kale.

Dadkan hadda waxaa lagu hayaa xabsi ku meel gaar ah, waxaana la filayaa in maxkamadda dacwadooda ay bilaabato gu'ga 2025 ka.

Qaar ka mid ah eedeysanayaasha kiiskan cusub ayaa weli la aaminsan yahay inay yihiin xubno ka tirsan kooxda, halka qaar kalena la aaminsan yahay inay ka tageen kooxda.

Waxaa la horgeyn doonaa maxkamadda bilowga baaritaanka saacadda 12:00 ee Maxkamadda Glostrup.

 

Waxaa tarjumay :

Maxamed-Amiin Siyaad Cabdi

Category